Madaxweynaha Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawiro)
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa wadamada Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland-Soomaaliya
Waxaa ka soo qayb-qayb soo dhaweynta Madaxweynaha, xubno ay kamid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso, nabadoono, isimo, ganacsato iyo dadweyne kale oo aad u badan.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Bosaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.
Safarka madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey in uu kula kulmay magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi.
Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in ku saabsanaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada, isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiisyo muhiim ah oo ku la xariira dhismaha deked laga dhisi doono degmada Garacad ee gobalka Mudug, Waddo laami ah oo isku xiri doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono deegaanada Puntland.







Comments